Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Israsaaseyn daqiiqado socotay oo barqanimadii Maanta Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka iyo rag hubeysan oo maleeshiyaad ku dhexmartay Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dad ku sugan Baraawe ayaa ku warramaya in Israsaaseynta labada dhinac ay ka dhacday Xarun ay socotay doorashada xubnaha Golaha deegaanka degmadaas, waxaana rasaasta ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Hal Qof ayaa ku geeriyooday Israsaaseynta Ciidanka dowladda iyo ragga hubeysan dhexmartay, halka Askari ka tirsan Ciidanka Nabadsugida Baraawe uu dhaawac soo gaaray, sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaas.
Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay la wareegeen goobta ay ka socoto doorashada Xildhibaanada Golaha deegaanka Magaalada Baraawe ee Caasimadda Maamulka Koonfur Galbeed.
Israsaaseyntan ka dhacday Magaalada ayaa kusoo aaday, iyada oo maalmihii lasoo dhaafay Baraawe ay ka jireen tabashooyin ka dhashay qaabka soo xuslista Golaha deegaanka Baraawe, isla markaana ay qabeen beelo dega halkaas.
Wararkii ugu dambeeyay ee la helayo ayaa sheegaya in haatan xaaladda ay degan tahay, isla markaana si nabad ah AY ku socoto doorashada Xildhibaanada Golaha degaanka Baraawe, iyadoona amniga Xarunta ay ku sugayaan Ciidamada AMISOM.