Inastoo Milliteriga Masar wadaan baaritaanka Gantaalkii iyo Diyaaradii Daroonka ee shalay ku dhacay magaallooyinka Daaba  & Nuyabac ayaa waxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Israel soo saartay Bayaan ay iskaga fogeynayaan inay Duqeymahaasi ka dambeeyeen.
Muddo hal toddobaad gudaheeda ayaa waxaa dalka Masar ka dhacay 3 weerar oo mid ka mid ah uu geystay Taangi ay Ciiddanka Israel leeyihiin.
Bayaanka Afhayeenka W.A.D. Israel ayaa waxa uu sheegay inay Xuutiyiinta Yemen ka dambeeyeen Gantaalkii iyo Diyaaradii Droneska eevshalay ku habsaday Masar, waa sida hadalka loo dhigay.
Waxa uu intaasi ku daray inay Xuutiyiinta weerarkaasi la maaganaayeeen inay Israel ku waxyeeleeyaan, waa sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale, Afhayeen u hadlay Milliteriga Masar, Maxamed Samiir C/Cassis ayaa sheegay in Gantaalka iyo Diyaaradii Daroonka ee shalay ku dhacay Gobalka Koonfurta Siinaay yihiin kuwo ka yimid Koonfurta Badda Cas oo ku wajahnaa Israel.