Telefishinka Jamhuuriyadda Islaamiga ee Iran ayaa soo tebisay inay Israel Gantaalo ku soo weerareen magaalladda Isfahan ee Bartamaha dalkaasi, iyadoo qaraxyo laga maqlay meel ku dhow Garoonka Diyaaradaha iyo Saldhig Milliteri.
Wakaallada Wararka Iran ee FARS ee wada shaqaynta la leh Ciiddanka Ilaalada Kacaanka Iran ee IRGC ayaa xaqiijisay in Waaberigii hore ee saakayto oo Jimco ah qaraxyo laga maqlay Deegaanka Qahjaverestan ee Isfahan ee W/Galbeed ee dalka Iran.
Warbaahinta Maraykanka ee ABC News ayaa iyadana soo tebisay inay Israel duqeysay goob ku taalla gudaha iran.
Dhanka kale, Warar ayaa sheegayo inay Israel Duqeyn ka geysatay dalalka Iraq iyo Syria.