Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa sheegay in ay soo rideen saddex diyaaradood oo nooca aan duuliyaha wadin kuwaas oo ku wajahnaa ceelashada shidaalka ee lagu muransan yahay ee ku yaalla badda Mediterranean-ka.
Saraakiisha militariga ayaa sheegay in diyaaradaha Drones-ka laga soo diray dalka Lubnaan, waxaana soo riday diyaarad dagaal iyo markab dagaal oo ay Israa’iil leedahay.
Xisbullaahi ayaa xaqiijisay inay hawada sare u dirtay diyaaradaha aan duuliyaha wadin kadib farriin kooban ay ka soo saareen dhacdada
Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisadda u dhaxeysa Israa’iil iyo Lubnaan, taasoo salka ku haysa muranka ka dhashay ceelka shidaalka ee Karish
Ergeyga arrimaha tamarta u qaabilsan Maraykanka Amos Hochstein ayaa dhexdhexaadin ka dhex wada labada dal si loo soo afjaro khilaafka muddada dheer soo jiitamayay.
Toddobaadkii hore, xoghayaha guud ee Xisbullah Xasan Nasrallah ayaa ku hanjabay inay awood u adeegsan doonaan sidii ay Israa’iil uga hor istaagi lahaayeen inay ka hawl-gasho ceelashada shidaalka.