Israa’iil ayaa ku cadaadinaysa Masar inay hoggaamiso codka waddamada Carabta , si ay u cambaareeyaan weerarkii xalay ay Iran ku qaaday Israa’iil iyo inay caddeeyaan xaqa ay Israa’iil u leedahay inay is difaacdo.
Wasiirka Arrimaha dibadda Israa’iil ayaa goor dhow u sheegay warbaahinta inuu la xiriiray dhiggiisa Masar , oo uu u sheegay xaqa ay Israa’iil u leedahay inay is difaacdo.
Saacado ka hor safaaradaha Israa’iil ayaa loo diray inay dadaal ku bixiyaan sidii loo heli lahaa codka caalamka ee cambaareynta weerarkii xalay.
Hadalkan ayaa sidoo kale ku soo aaday waxyar kaddib markii Wasiirka difaaci iyo Wasiirka dagaalka Israa’iil ay labaduba sheegeen inay dhisayaan xulufo bariga dhexe oo heegan u noqota ka hortagga khataraha Iran, tan oo u muuqata tallaabo go’doon lagu galinayo Iran.