Safiirka Dowladda Dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, ayaa Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho waxaa uu kulan gaar ah kula qaaatay Isimada SSC eek u sugan magaalada Muqdisho.
Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Amb. İbrahim Mete Yağlı ayaa Xalay xafiiskiisa ku qaabbilay Isimmada SSC-Khaatumo, waxaana intii kulnkaasi socday looga hadlay waxyaabo dhowr ah.
Kulanka ayaa intiisa badan diiradda lagu saaray Xaaladda dagaalka Laascaanood iyo sidii Dowladda Turkiga ay u qaadan laahyd doorkeeda nabadeynta ah.
Turkiga ayaa qeyb ka ah dalalka daneynaya in xal laga gaadho dagaalka muddada dheer ka socda gobolka Sool, waxaana maalmo ka hor ka deggay Hargeysa wakiilka Turkiga ee wada-hadallada JFS iyo  Somaliland; isaga oo la wadaagay Madaxweyne Biixi, dareenkiisa ku aaddan Laaacaanood.