Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu kulamo kala duwan la yeesho Isimada Gobolka Bari.
Madaxweyne Saciid Deni ayaa Isimada iyo Odayaasha dhaqanka Gobolka ka Codsaday inuu kulamo la qaato, si xal buuxa looga gaaro Arrimaha ka jira Boosaaso gaar ahaan khilaafkii ka dhashay xilka qaadistii uu Deni ku sameeyay Agaasimihii Ciidanka PSF.
Warar la helayo ayaa sheegaya in Isimada Gobolka Bari ay Madaxweynaha ka aqbaleen Codsiga uga yimid, isal markaana ay la kulmayaan, iyagoona wada hadal ka yeelan doono xallinta khilaafka jira, si loo xaliyo wax kasta oo ka dhexeeya labada dhinac.
Madaxweynaha Maamulka Puntland oo maalin kahor tegay magaalada Boosaaso ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada iyo mas’uuliyiinta Gobolka Bari, wuxuuna kala hadlay xoojinta amniga Magaalada oo falal amni darro ka dhaceen.
Si kastaba, Khilaafkii ka dhashay xilka qaadistii uu Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ku sameeyay Agaasimihii Ciidanka PSF Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa xal laga gaarin, iyada oo dhowr jeer fashilmeen isku dayo lagu doonayey in lagu xaliyo khilaafka.