28-ka Dowladood ee xubnaha ka ah Isbahaysiga NATO ayaa ku heshiiyey inay Xafiis ka furtaan dalka Jabuuti, oo gacan ka geysta Hawlgalka La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Baddaha Somalia.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Jabuuti, Mohamoud Ali Yussuf iyo Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga NATO, Franjeska Tardiyoli ayaa kala saxiixday Heshiiska lagu furayo Xafiiskaasi.
Shabakadda Wararka ee u gaarka Isbahaysiga NATO ayaa lagu sheegay inuu Xafiiskaasi xiriin doono Hawlgalladda iyo Tas’hiilaadka dhinacyadda Loojistikadda iyo Maamulka ee la siinayo Ciiddamadda u xil saaray La-dagaanlanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia.
Diyaaradaha iyo Maraakiibta Dagaalka ee Isbahaysiga NATO waxay Hawlgal lagu baacsanayo Burcad-baddeeda ka wadeen Badda Somalia tan iyo sannadkii 2009-kii.
Weerarkii ugu dambeeyey ee Burcad-baddeeda ku guuleystaan inay Markab ku afduubtaan ayaa dhacay bishii May ee sannadkii 2012-kii.