Taliyaha XDS oo kulan la yeeshay mas’uul ka socday Dowladda Talyaaniga
Taliyaha XDS oo kulan la yeeshay mas’uul ka socday Dowladda Talyaaniga
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la qaatay u qeybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, Captain (Navy) Antonino Mazzocca.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo adkeynta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dowladda Talyaaniga, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo horumarinta awoodda ciidanka.
Taliyaha XDS ayaa Dowladda Talyaaniga uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso ciidanka, gaar ahaan tababarrada iyo qalabaynta, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata tayeynta iyo dhismaha awoodda ciidamada.
Dhankiisa, Captain Antonino Mazzocca ayaa caddeeyay in dowladdiisu ka go’an tahay sii wadidda taageerada iyo iskaashiga, isaga oo xusay muhiimadda ay nabadda iyo xasilloonidu u leeyihiin Soomaaliya iyo gobolka.