|

Koofur galbeed oo shaacisay Jadwalka doorashada ee Baarlamaanka.

Warar · Ilhaan · March 26, 2026
Koofur galbeed oo shaacisay Jadwalka doorashada ee Baarlamaanka.
Koofur galbeed oo shaacisay
In Summary

Koofur galbeed oo shaacisay

 

 

Guddiga Madax-bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Dowladda Koonfur Galbeed (GMXD) ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka howlaha doorashooyinka, kaas oo ku saabsan soo xulista xildhibaannada Baarlamaanka iyo qabashada doorashada guddoonka Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed.

Guddiga ayaa sheegay in jadwalkan uu daba socdo awaamiirta iyo xeerarka doorashooyinka, isla markaana uu yahay mid lagu dardargelinayo hannaanka dhismaha hay’adaha dowladeed, si loo helo baarlamaan iyo hoggaan sharciyad buuxda leh.

Sida ku cad jadwalka la shaaciyay, howlaha soo xulista xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa bilaabanaya 26-ka ilaa 28-ka Maarso 2026, iyadoo muddadaas lagu qaban doono diiwaangelinta, hubinta iyo ansixinta xubnaha la soo xulayo.

Intaa kadib, 29-ka Maarso 2026 ayaa la qorsheeyay in la qabto doorashada guddoonka Baarlamaanka, taas oo ay ku tartami doonaan musharrixiinta u taagan xilalka guddoomiye iyo ku-xigeennadiisa.

Guddiga GMXD ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khusayso—oo ay ku jiraan odayaasha dhaqanka, musharrixiinta iyo bulshada—iney si dhow ula shaqeeyaan guddiga, isla markaana ilaaliyaan hufnaanta, cadaaladda iyo amniga doorashooyinka.

 

 

Tallaabadan ayaa ku soo aadeysa xilli uu taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo salka ku haya arrimo la xiriira awood-qaybsiga, maamulidda doorashooyinka iyo faragelin lagu eedeeyay dowladda dhexe.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.