|

Xildhibaan Odowaa oo iska casilay JSP, eedeymo culusna u jeediyay Xasan Sheekh

Warar · Ilhaan · March 25, 2026
Xildhibaan Odowaa oo iska casilay JSP, eedeymo culusna u jeediyay Xasan Sheekh
Xildhibaan Odowaa oo iska casilay JSP, eedeymo culusna u jeediyay Xasan Sheekh
In Summary

Xildhibaan Odowaa oo iska casilay JSP, eedeymo culusna u jeediyay Xasan Sheekh

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Xoghayaha Guud iyo xubinnimadii uu ka hayay Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray maanta.

Odowaa ayaa sheegay in go’aankiisa uu salka ku hayo khilaaf siyaasadeed oo muddo soo jiitamayay oo kala dhaxeeyay guddoomiyaha xisbiga, ahna Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu xildhibaanku tilmaamay dhowr arrimood oo uu ku saleeyay iscasilaaddiisa, oo ay ka mid yihiin eedeymo ah in madaxweynuhu talada dalka iyo tan xisbiga ku koobay gacantiisa, isla markaana uusan tixgelin siin aragtiyada ka duwan tiisa.

Sidoo kale, Odowaa ayaa si adag uga horyimid habka wax-ka-beddelka dastuurka, isagoo ku tilmaamay mid sii kala fogeynaya bulshada isla markaana dhaawacaya mabaadi’da federaalka.

Arrimaha kale ee uu carrabka ku adkeeyay waxaa ka mid ah nidaamka doorashooyinka, halkaas oo uu sheegay in madaxweynuhu doonayo hannaan uu natiijadiisa xakameyn karo, halka isaga uu aaminsan yahay in doorashooyinka lagu saleeyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Dhanka kale, wuxuu dhaliilay waxa uu ugu yeeray burburinta dowlad-goboleedyada, isagoo ku tilmaamay inay yihiin tiir muhiim u ah nidaamka federaalka iyo midnimada dalka.

Xildhibaan Odowaa ayaa sidoo kale cambaareeyay xannibaadaha lagu hayo xildhibaannada iyo muwaadiniinta, gaar ahaan in xildhibaan leh xasaanad laga hor istaago safar, taas oo uu ku tilmaamay xadgudub sharci iyo mid ka dhan ah madax-bannaanida baarlamaanka.

Ugu dambeyn, Odowaa ayaa sheegay inuu qaadi doono jiho siyaasadeed cusub, isla markaana uu la shaqeyn doono cid kasta oo ay ka mideysan yihiin ilaalinta midnimada iyo mabaadi’da Soomaalinimada.

Is-casilaaddan ayaa kusoo aadeysa xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed ee dalka, waxaana la filayaa inay saameyn ku yeelato jihada siyaasadeed ee xisbiga JSP iyo guud ahaan siyaasadda Soomaaliya.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.