|

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la kulmay Taliyaha AFRICOM

Warar · Ilhaan · March 25, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la kulmay Taliyaha AFRICOM
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah ee Mareykanka ee Afrika (SOCAF), Claude K. Tudor. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo dardargelinta howlgalada lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada. Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo tababarrada, is-dhaafsiga khibradaha, iyo taageerada farsamo ee kor u qaadaysa awoodda ciidanka, si loo xaqiijiyo amni waara oo dalka ka hirgala. Sidoo kale, waxaa la isku raacay in la sii xoojiyo wada shaqeynta ka dhaxaysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada saaxiibada caalamka, gaar ahaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta.
In Summary

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la kulmay Taliyaha AFRICOM

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah ee Mareykanka ee Afrika (SOCAF), Claude K. Tudor.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo dardargelinta howlgalada lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada.

Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo tababarrada, is-dhaafsiga khibradaha, iyo taageerada farsamo ee kor u qaadaysa awoodda ciidanka, si loo xaqiijiyo amni waara oo dalka ka hirgala.

Sidoo kale, waxaa la isku raacay in la sii xoojiyo wada shaqeynta ka dhaxaysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada saaxiibada caalamka, gaar ahaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.