|

Saldhig Mareykan ah oo ku yaalla Baqdaad oo la weeraray

Warar · Ilhaan · March 7, 2026
Saldhig Mareykan ah oo ku yaalla Baqdaad oo la weeraray
Saldhig Mareykan ah oo ku yaalla Baqdaad oo la weeraray
In Summary

Saldhig Mareykan ah oo ku yaalla Baqdaad oo la weeraray

Weerar loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn (drones) ayaa lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Baqdaad, iyadoo la beegsanayay saldhig militari oo uu leeyahay Mareykanka iyo xarun diblomaasiyadeed oo ku taalla gudaha garoonka.

Sida ay sheegeen ilo dhinaca ammaanka ah, weerarka oo dhacay wax yar kaddib saqdii dhexe ee Jimcaha ayaa lagu bartilmaameedsaday dhismayaal ku yaalla garoonka caasimadda Ciraaq, halkaas oo ay ku yaallaan xarumo milatari iyo kuwo diblomaasiyadeed oo Mareykanku leeyahay.

Sarkaal amni ayaa u sheegay Agence France-Presse (AFP) in garoonka diyaaradaha lagu qaaday weerarro isdaba joog ah oo loo adeegsaday diyaarado aan cidina wadin iyo gantaallo.

Ilaa hadda lama shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka, sidoo kale ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda falkaas.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.