|

Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Diyaarado Siday Ciidamo Hubeysan oo Laga Celiyay Muqdisho

Warar · Ilhaan · February 1, 2026
Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Diyaarado Siday Ciidamo Hubeysan oo Laga Celiyay Muqdisho
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed rasmi ah ka soo saartay arrinta la xiriirta diyaarado siday ciidamo iyo hub oo lagu hakiyay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, xilli ay kusoo wajahnaayeen magaalada Muqdisho. Warsaxaafadeedka oo ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay masuuliyad buuxda ka saaran tahay sugidda amniga iyo badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed. Dowladda ayaa tilmaamtay in horay loo dejiyay baratakoollo iyo habraacyo cad oo lagu xaqiijinayo amniga garoonka diyaaradaha iyo guud ahaan caasimadda, kuwaas oo dhammaan mas’uuliyiinta sare ee dalka, maamul-goboleedyada iyo madaxdii horeba ay ku wada dhaqmaan. Dowladda ayaa sheegtay in xubno ka mid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ka qeyb geli lahaa shir wadahadal ah oo lagu waday inuu Muqdisho ka qabsoomo 1-da Febraayo 2026, ay isku dayeen inay diyaarado kusoo daabulaan ciidamo iyo hub aan la marin hannaanadii iyo habraacyadii amniga ee horey loo dejiyay, isla markaana aan la caddeyn ujeeddada laga lahaa. Warsaxaafadeedka ayaa intaas ku daray in hay’adaha amniga dowladda iyo guddiga qaban-qaabada shirka ay si rasmi ah ugu wargeliyeen xubnaha Golaha Mustaqbalka in aan la aqbali karin keenista ciidamo iyo hub aan waafaqsaneyn baratakoollada amniga ee lagu heshiiyay. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay in gogosha wadahadallada siyaasadeed ay weli taagan tahay, islamarkaana mowqifkeeda uusan waxba iska beddelin. Dowladda ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ka qeyb galaya wadahadallada inay ilaaliyaan habraacyada amniga, si shirka uu ugu qabsoomo jawi nabad, xasiloon oo ammaan ah. Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli dalka uu wajahayo xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo indhaha lagu hayo mustaqbalka wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
In Summary

Warsaxaafadeedka oo ka soo baxay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed rasmi ah ka soo saartay arrinta la xiriirta diyaarado siday ciidamo iyo hub oo lagu hakiyay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, xilli ay kusoo wajahnaayeen magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeedka oo ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay masuuliyad buuxda ka saaran tahay sugidda amniga iyo badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed. Dowladda ayaa tilmaamtay in horay loo dejiyay baratakoollo iyo habraacyo cad oo lagu xaqiijinayo amniga garoonka diyaaradaha iyo guud ahaan caasimadda, kuwaas oo dhammaan mas’uuliyiinta sare ee dalka, maamul-goboleedyada iyo madaxdii horeba ay ku wada dhaqmaan.

Dowladda ayaa sheegtay in xubno ka mid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ka qeyb geli lahaa shir wadahadal ah oo lagu waday inuu Muqdisho ka qabsoomo 1-da Febraayo 2026, ay isku dayeen inay diyaarado kusoo daabulaan ciidamo iyo hub aan la marin hannaanadii iyo habraacyadii amniga ee horey loo dejiyay, isla markaana aan la caddeyn ujeeddada laga lahaa.

Warsaxaafadeedka ayaa intaas ku daray in hay’adaha amniga dowladda iyo guddiga qaban-qaabada shirka ay si rasmi ah ugu wargeliyeen xubnaha Golaha Mustaqbalka in aan la aqbali karin keenista ciidamo iyo hub aan waafaqsaneyn baratakoollada amniga ee lagu heshiiyay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay in gogosha wadahadallada siyaasadeed ay weli taagan tahay, islamarkaana mowqifkeeda uusan waxba iska beddelin. Dowladda ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ka qeyb galaya wadahadallada inay ilaaliyaan habraacyada amniga, si shirka uu ugu qabsoomo jawi nabad, xasiloon oo ammaan ah.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli dalka uu wajahayo xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo indhaha lagu hayo mustaqbalka wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.