|

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka hadlay diyaaradaha la celiyay iyo mustaqbalka wadahadallada

Warar · Ilhaan · February 1, 2026
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka hadlay diyaaradaha la celiyay iyo mustaqbalka wadahadallada
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka hadlay diyaaradaha la celiyay iyo mustaqbalka wadahadallada
In Summary

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka hadlay diyaaradaha la celiyay iyo mustaqbalka wadahadallada

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa maanta soo saaray warsaxaafadeed ay kaga hadleen xaaladda diyaaradihii laga celiyay magaalada Muqdisho iyo mustaqbalka wadahadallada siyaasadeed ee dalka.

Goluhu wuxuu shacabka Soomaaliyeed u caddeeyay in uu diyaar u yahay wadahadallo daacad ah oo ku dhisan isfaham iyo wada-shaqayn, isaga oo shaaca ka qaaday in dib-u-eegis lagu sameyn doono tubta wadahadallada si loo hubiyo in shirka siyaasadeed u socdo si hufan, ammaan ah, isla markaana lagu wada kalsoonaan karo.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in horey heshiis looga gaaray dhammaan qodobadii aas-aaska u ahaa qabsoomidda shirka, kuwaas oo ay ka mid ahayd ogolaanshaha in masuuliyiinta ka qaybgalaysa shirka ay la socdaan ilaalada gaarka ah.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Dowladda Federaalka, iyaga oo ku tilmaamay tallaabada lagu celiyay diyaaradihii waday wafuudda mid ah “qar iska tuurnimo” halis gelisay nolosha wafuudii saarneyd diyaaradaha.

Goluhu wuxuu ku adkeeyay in siyaasadda dalka ay u baahan tahay wada-shaqayn, ixtiraam iyo kalsooni la wadaago, isagoo xusay in go’aanno noocaas ah ay dhaawici karaan kalsoonida shacabka iyo guud ahaan nabadgelyada shirka wadatashiga.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.