|

Guddoonka Baarlamaanka oo fadhiyada ka joojiyay xildhibaano kaddib khalalaase

Warar · Ilhaan · February 1, 2026
Guddoonka Baarlamaanka oo fadhiyada ka joojiyay xildhibaano kaddib khalalaase
Guddoomiyaha ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid lagu ilaalinayo nidaamka
In Summary

Guddoomiyaha ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid lagu ilaalinayo nidaamka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa soo saaray go’aanno rasmi ah oo la xiriira joojinta fadhiyada guud ee wadajirka ah ee labada Aqal iyo sidoo kale fadhiyada Golaha Shacabka, kaddib khalalaase ka dhacay kulan wadajir ah oo la qabtay 28-kii Janaayo, 2026.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid lagu ilaalinayo nidaamka, anshaxa, iyo kala dambeynta Baarlamaanka, kaddib markii fadhigii ugu dambeeyay uu isu beddelay buuq iyo fowdo, taas oo carqaladeysay habsami u socodka shaqada Golaha.

Sidoo kale, Aadan Madoobe ayaa digniin kama dambeys ah u diray xubno ka tirsan Golaha Shacabka oo lagu eedeeyay inay door ku lahaayeen qalalaasihii dhacay, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhowro xeer-hoosaadka Baarlamaanka, lana ilaaliyo sharafta iyo haybadda hay’adda sharci-dejinta.

Dhanka kale, Xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa isna soo saaray go’aan maamul oo lagu joojiyay ka-qeybgalka kulamada wadajirka ah ee labada Aqal muddo 12 kulan ah Senatarrada kala ah Sanatar Leyla Nuur Maax iyo Sanatar Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).

Go’aankan ayaa lagu sheegay in uu salka ku hayo qalalaaso iyo ku xadgudub lagu sameeyay xeer-hoosaadka Aqalka Sare, intii uu socday kulankii wadajirka ahaa ee Baarlamaanka ee dhacay 28-kii Janaayo, 2026.

Tallaabooyinkan ayaa imaanaya xilli Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu wajahayo khilaafyo siyaasadeed iyo muran xooggan oo la xiriira hannaanka wax-ka-beddelka dastuurka iyo shaqada kalfadhiyada Baarlamaanka.

Illaa iyo hadda, wax war ah kama soo bixin xubnaha la ciqaabay ama dhinacyada mucaaradka ah ee ku aaddan go’aannadan.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.