Jubbaland oo si adag uga jawaabtay diyaarad laga celiyay Muqdisho
Jubbaland oo si adag uga jawaabtay diyaarad laga celiyay Muqdisho
Dowladda Jubbaland ayaa si kulul uga jawaabtay go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee maanta hawada ka celisay diyaarad waday wafdiga hordhaca ah iyo ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), xilli ay kusoo wajahnaayeen magaalada Muqdisho.
Bayaan rasmi ah oo ay soo saartay Madaxtooyada Jubbaland ayaa tallaabadan lagu tilmaamay mid xilkasnimo-darro ah, isla markaana halis weyn gelisay nolosha wafdiga iyo ciidamadii ilaalada u ahaa. Diyaaradda ayaa la sheegay in xilli ay ku dhowaatay inay ka degto Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde si lama filaan ah loogu faray inay dib ugu laabato magaalada Kismaayo, iyadoo aan la hubin in ay haysatay shidaal ku filan oo ay kusoo laaban karto, taas oo Jubbaland ku tilmaantay mas’uuliyad-darro iyo cadownimo cad.
Sidoo kale, Jubbaland ayaa sheegtay in diyaaradihii rayidka ahaa qaarkood maanta laga celiyay Garoonka Muqdisho, arrintaas oo sii muujinaysa qalalaase amni iyo khatar ka dhalan karta tallaabooyinka Dowladda Federaalka.
Bayaan-ka ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay si ula kac ah u baajinayso shirka Wadatashiga ee Muqdisho, isla markaana aysan muujinayn niyad-sami ama diyaar garow dhab ah oo lagu xallinayo xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee dalka.
Jubbaland waxay sidoo kale beenisay wararka sheegaya in guddiyada wadajirka ah ay heshiis ka gaareen arrimaha martigelinta ama tirada ilaalada, iyada oo caddeysay in aan wax heshiis ah arrimahaas laga gaarin, isla markaana wararkaasi yihiin kuwo aan sal lahayn.
Ugu dambeyn, Jubbaland ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto dadaallada ku aaddan helidda xal siyaasadeed oo waara iyo qabsoomidda shirka Wadatashiga, balse ay xustay in tallaabooyinka Dowladda Federaalka ay abuureen xaalado amni oo halis ah iyo su’aalo la xiriira kalsoonida dowladda.