Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka oo soo-jeedimahooda u gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka
Sidoo kale, guddiyadu waxay guddoonka la wadaageen
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, Guddoomiye-ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde, ayaa kulan la qaatay guddiyada u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka.
Intii uu kulanku socday, guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka ayaa guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka ku wareejiyay soo-jeedimaha wax-ka-beddelka Cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka Qaranka.
Sidoo kale, guddiyadu waxay guddoonka la wadaageen shintiriska (jadwaleynta) doodda ku saabsan soo-jeedimaha wax-ka-beddelka, si loo guda-galo marxaladda xigta ee doodo rasmi ah oo ku saabsan Dastuurka.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu dardar-gelinayo geeddi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka Qaranka, looguna gogol-xaadhayo ansixinta qodobbo muhiim u ah dhismaha dowladnimo ku dhisan sharci, hufnaan iyo isla xisaabtan.