|

DFS oo War Rasmi ah ka Soo Saartay Dagaalka ka Dhacay Shabeellada Dhexe

Warar · Ilhaan · January 18, 2026
DFS oo War Rasmi ah ka Soo Saartay Dagaalka ka Dhacay Shabeellada Dhexe
DFS oo War Rasmi ah ka Soo Saartay Dagaalka ka Dhacay Shabeellada Dhexe
In Summary

Sidoo kale, dowladda ayaa xaqiijisay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war rasmi ah ka soo saartay dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Jabad-Godane ee gobolka Shabeellada Dhexe, kaas oo u dhexeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

Warsaxaafadeedka dowladda ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay si buuxda u fashiliyeen weerar ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Jabad-Godane, isla markaana ciidamadu ay haatan si buuxda gacanta ugu hayaan deegaanka, kaddib markii kooxdaasi loo geystay jab xooggan iyo khasaare badan.

Sidoo kale, dowladda ayaa xaqiijisay in hawlgal ballaaran oo sifeyn iyo sugid amni ah uu ka socdo deegaanka, si loo ciribtirro haraadiga maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya goobaha qaar, loogana hortago isku day kasta oo ay dib ugu abaabulan karaan ama ay ku carqaladeynayaan nabadda shacabka.

Ugu dambeyn, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale adkeeyay go’aankooda ku aaddan sii wadista dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo carrabka ku adkeeyay in ujeeddadoodu tahay sugidda amniga guud, difaaca shacabka Soomaaliyeed iyo xoreynta deegaannada ay Khawaarijtu ku sugan yihiin.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.