|

Safaaradda Shiinaha oo Hambalyo u Dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Warar · Ilhaan · January 18, 2026
Safaaradda Shiinaha oo Hambalyo u Dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari
Safaaradda Shiinaha oo Hambalyo u Dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari
In Summary

Farriin hambalyo ah oo ay soo saartay Safaaradda Shiinaha

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa hambalyo diirran u dirtay hoggaanka iyo shacabka Soomaaliyeed, kaddib munaasabaddii caleemo-saarka Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, oo si rasmi ah uga dhacday magaalada Laascaanood.

Farriin hambalyo ah oo ay soo saartay Safaaradda Shiinaha ayaa lagu muujiyay farxad iyo bogaadin ku aaddan qabsoomidda munaasabadda caleemo-saarka, iyadoo safaaraddu hambalyo u dirtay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Safaaradda ayaa si gaar ah ugu hambalyeysay Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, iyadoo xustay in caleemo-saarkiisa oo ka dhacay magaalada Laascaanood uu ahaa mid guuleystay, isla markaana muujinaya horumar dhinaca dowlad-dhiska ah.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.