|

Sucuudiya oo si cad u diidday isku dayada lagu kala qaybinayo Soomaaliya

Warar · Ilhaan · January 13, 2026
Sucuudiya oo si cad u diidday isku dayada lagu kala qaybinayo Soomaaliya
Sucuudiya oo si cad u diidday isku dayada lagu kala qaybinayo Soomaaliya
In Summary

Sucuudiya oo si cad u diidday isku dayada lagu kala qaybinayo Soomaaliya

Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sucuudiga, oo uu guddoomiyay Boqor Salman bin Cabd Al-Aziz, ayaa si cad u diiday isku day kasta oo lagu doonayo in lagu kala qaybiyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ama lagu xadgudbo madax-bannaanida dhuleed ee dalka.

Bayaan ka soo baxay kulanka Golaha Wasiirrada ayaa lagu sheegay in Boqortooyada Sucuudigu si adag uga soo horjeeddo abuurista hay’ado ama maamulo ka shaqeeya wiiqidda midnimada iyo suveraanida Soomaaliya, isla markaana ay si buuxda u taageerayso dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ilaalinta dhulkeeda.

Goluhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in Sucuudigu diidan yahay faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya, iyo tallaabooyin kasta oo dhaawacaya midnimada, madax-bannaanida iyo jiritaanka qarannimada dalka.

Go’aankan ayaa imanaya xilli gobolka Geeska Afrika uu wajahayo xaalad xasaasi ah oo siyaasadeed iyo mid amni, iyadoo Boqortooyada Sucuudigu ay mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay taageerada xasilloonida, nabadda iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.