|

Jubbaland oo si cad u diiday go’aanka DFS ee la xiriira heshiisyada Imaaraadka Carabta

Warar · Ilhaan · January 13, 2026
Jubbaland oo si cad u diiday go’aanka DFS ee la xiriira heshiisyada Imaaraadka Carabta
Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu doonayo in lagu buriyo heshiisyadii ay horay ula gashay Imaaraadka Carabta. Jubaland waxay sheegtay in heshiisyada la xiriira horumarinta, ganacsiga iyo amniga ay ka mid yihiin awoodaha ay Dastuur ahaan u leedahay, sidaas darteedna aysan Dowladda Federaalka xaq u lahayn inay baabi’iso ama wax ka beddesho. Waxay sidoo kale xaqiijisay in heshiisyadaasi sii shaqaynayaan ilaa ay iyadu go’aan ka gaarto.
In Summary

Go’aankan Jubbaland ayaa imanaya xilli uu muran siyaasadeed

Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa si rasmi ah uga hor yimid go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu buriyay heshiisyadii ay horay ula gashay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, gaar ahaan kuwa la xiriira horumarinta, ganacsiga iyo amniga.

Bayaan ka soo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in heshiisyada noocaas ah ay ka mid yihiin awoodaha Dastuur ahaan u degsan dowlad-goboleedyada, sidaas darteedna aysan Dowladda Federaalka Soomaaliya sharci u lahayn inay si hal dhinac ah u baabi’iso ama wax uga beddesho heshiisyo ay galeen maamul goboleedyadu.

Jubbaland waxay caddeysay in heshiisyada ay la gashay Imaaraadka Carabta ay weli sii shaqeynayaan, islamarkaana ay ansax yihiin ilaa ay iyadu go’aan ka gaarto wax ka beddelkooda ama joojintooda.

Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo nidaamka federaalka, wadatashiga iyo wada-shaqeynta u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, si loo ilaaliyo xasilloonida siyaasadeed iyo danaha guud ee dalka.

Go’aankan Jubbaland ayaa imanaya xilli uu muran siyaasadeed ka taagan yahay go’aankii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku baabi’isay heshiisyadii ay kula jirtay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, taasoo dhalisay falcelinno kala duwan oo ka imanaya dowlad-goboleedyada dalka.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.