|

Somaliland oo si adag u diiday tallaabada DFS ka qaadday heshiisyada Imaaraadka Carabta

Warar · Ilhaan · January 13, 2026
Somaliland oo si adag u diiday tallaabada DFS ka qaadday heshiisyada Imaaraadka Carabta
Somaliland oo si adag u diiday tallaabada DFS ka qaadday heshiisyada Imaaraadka Carabta
In Summary

Xukuumadda Somaliland ayaa caddeysay in Dekedda Berbera

Xukuumadda Somaliland ayaa si cad oo adag u diiday tallaabada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku sheegtay inay awood sharciyeed ku leedahay heshiisyada la xiriira Dekedda Berbera, gaar ahaan kuwa ay Somaliland la gashay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

Warsaxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay gebi ahaanba diidan tahay hadallada iyo sheegashooyinka ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ku dooneyso inay ku sheegato awood sharci iyo mid maamul oo ku saabsan heshiisyo ka dhacay Berbera.

Xukuumadda Somaliland ayaa caddeysay in Dekedda Berbera ay ka mid tahay dhulka ay si buuxda u maamusho Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana aysan Dowladda Federaalka Soomaaliya wax sharci ah, maamul ama awood wax ku ool ah ku lahayn dhulkaas iyo heshiisyada ka hirgalay.

Sidoo kale, Somaliland waxay sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan ahayn dhinac ka mid ah heshiisyada ay Somaliland la gashay dalalka kale, taasoo ka dhigaysa mid aan wax awood ah u lahayn joojinta, wax-ka-beddelka ama faragelinta heshiisyadaas.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in dhammaan heshiisyada u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay yihiin kuwo sharci ah, ansax ah, isla markaana waafaqsan dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah ee la xiriira iskaashiga caalamiga ah.

Xukuumadda Somaliland waxay faragelin kasta oo ka timaadda Villa Soomaaliya ku tilmaantay mid aan lahayn sharciyad caalami ah, kana hor imaaneysa xaqiiqooyinka jira iyo mabaadi’da sharciga caalamiga ah.

Ugu dambeyn, Somaliland ayaa mahadcelin u jeedisay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, iyada oo xustay iskaashi muddo dheer soo jiray oo ku dhisan xasillooni, horumar dhaqaale iyo ixtiraam dhinac walba ah.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.