|

DFS oo baabi’isay dhammaan heshiisyadii amni iyo difaac ee Imaaraadka Carabta

Warar · Ilhaan · January 12, 2026
DFS oo baabi’isay dhammaan heshiisyadii amni iyo difaac ee Imaaraadka Carabta
DFS oo baabi’isay dhammaan heshiisyadii amni iyo difaac ee Imaaraadka Carabta
In Summary

Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u joojiyay dhammaan heshiisyadii

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u joojiyay dhammaan heshiisyadii ay hore ula gashay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee la xiriiray amniga, difaaca iyo gaashaandhigga dalka.

Go’aankan ayaa lagu sheegay inuu salka ku hayo ilaalinta madax-bannaanida, midnimada qaranka, iyo ku dhaqanka dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana la xiriira heshiisyo saameyn ku lahaa awoodda dowladda ee ilaalinta amniga iyo difaaca dalka.

Heshiisyadii la baabi’iyay waxaa ka mid ahaa iskaashiga dekadaha Berbera, Boosaaso, iyo Kismaayo, iyo tababarrada ciidanka. Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay Hindise-sharciyeedka Ilaalinta Madax-bannaanida iyo Midnimada Dhuleed, kaas oo mamnuucaya heshiis kasta oo maamul hoosaadyo ama hay’ado gaar ah la galaan dowlado shisheeye iyada oo aan oggolaansho ka haysan Dowladda Federaalka.

Xukuumadda ayaa caddeysay inay diyaar u tahay wada-shaqeyn diblomaasiyadeed oo ku saleysan is-ixtiraam iyo dan qaran, balse aysan aqbali doonin wax faragelin ah oo ka dhan ah midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.