Golaha Shacabka BFS oo ansixiyay Axdiga Xakameynta Tubaakada
Golaha Shacabka oo ansixiyay Axdiga Xakameynta Tubaakada
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si aqlabiyad leh u ansixiyay Axdiga Xakameynta Tubaakada, kaddib kulan rasmi ah oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay natiijada ansixinta, taas oo ku timid cod gacan taag ah, isla markaana muujisay taageero ballaaran oo loo hayo axdigan.
Ansixinta Axdigan ayaa la sheegay inay door weyn ka qaadan doonto xakameynta isticmaalka tubaakada, yareynta khataraha caafimaad, iyo ilaalinta caafimaadka bulshada.
Wasiirka Caafimaadka, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa soo dhaweeyay ansixinta, isagoo sheegay in axdigu quseeyo dhammaan noocyada tubaakada, islamarkaana uu muhiim u yahay badbaadinta bulshada Soomaaliyeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay qaaddo tallaabooyin lagu dhaqan-gelinayo axdigan, si loo helo bulsho caafimaad qabta loogana hortago dhibaatooyinka ka dhasha tubaakada.