|

Booliska oo gacanta ku dhigay askar hub ku dhex watay magaalada Muqdisho

Warar · Ilhaan · December 23, 2025
Booliska oo gacanta ku dhigay askar hub ku dhex watay magaalada Muqdisho
Booliska oo gacanta ku dhigay askar hub ku dhex watay magaalada Muqdisho
In Summary

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Booliska Caasimadda iyo Saldhigga Bartamaha, ayaa qabtay 11 askari oo si sharci-darro ah ugu hubeysnaa bartamaha magaalada Muqdisho.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Booliska, eedeysanayaashan ayaa ku xadgudbay awaamiirta hay’adaha amniga ee mamnuucaya in askari aan shaqo ku jirin uu hub si iskiis ah ula dhex maro caasimadda.

Boolisku wuxuu xaqiijiyay in 11-ka eedeysane ay haatan ku jiraan gacanta laamaha ammaanka, isla markaana loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo waafajiyo.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Booliska Soomaaliyeed ee lagu xoojinayo amniga caasimadda iyo ka hortagga hubka sharci-darrada ah ee lagu dhex qaato magaalada.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.