Trump oo xilalka safiirnimo ka qaaday ku dhowaad 30 diblomaasiyiin ah, kana mid yahay safiirka Soomaaliya
Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa bilaabay
Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa bilaabay tallaabo dib loogu qaabeynayo diblomaasiyadda Mareykanka ee dibadda, kaddib markii uu xilalka ka qaaday ku dhowaad 30 diblomaasiyiin ah oo isugu jira safiirro iyo masuuliyiin kale oo ka howlgala safaaradaha Mareykanka, kuwaas oo dhammaantood la magacaabay xilligii madaxweynihii hore Joe Biden.
Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, madaxda safaaradaha ee ugu yaraan 29 dal ayaa toddobaadkii hore lagu wargeliyay in xilalkooda ay si rasmi ah u dhammaanayaan bisha Janaayo ee soo socota, iyada oo mudnaanta la siinayo in diblomaasiyiinta cusub ay si buuxda u taageeraan siyaasadda “America First” ee Madaxweyne Trump.
Qaaradda Afrika ayaa ah tan ugu saameynta badan tallaabadan, waxaana xilalka laga qaaday safiirro ka joogay ugu yaraan 13 dal oo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Nigeria, Niger, Rwanda, Senegal, Uganda iyo dalal kale.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa difaacday go’aankan, iyadoo sheegtay in safiirku yahay wakiil gaar ah oo madaxweynaha matala, isla markaana uu madaxweynuhu xaq u leeyahay inuu doorto shaqsiyaad si buuxda ula jaanqaadaya aragtidiisa siyaasadeed.
Inkastoo safiirrada xilalka laga qaaday aysan luminayn shaqadooda guud ee diblomaasiyadeed, haddana waxaa loo sheegay in ay ku laaban karaan Washington si ay u qabtaan xilal kale, haddii ay sidaas doortaan.
Go’aankan ayaa walaac ka abuuray qaar ka mid ah siyaasiyiinta Mareykanka iyo ururrada metela diblomaasiyiinta, kuwaas oo ka digay in isbeddelladan degdegga ah ay saameyn ku yeelan karaan xiriirka Mareykanka iyo dalalka ay khuseyso, oo ay Soomaaliya ka mid tahay.