|

Muungaab oo weerar afka ah ku qaaday Sheekh Shariif: Waxa aad u baahan tahay inaad ogaato

Warar · Ilhaan · December 14, 2025
Muungaab oo weerar afka ah ku qaaday Sheekh Shariif: Waxa aad u baahan tahay inaad ogaato
Guddoomiye Muungaab oo weerar afka ah ku qaaday Sheekh Shariif
In Summary

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Muungaab ayaa weerar afka ah ku qaaday mucaaradka, gaar ahaan Sheekh Shariif, isagoo sheegay in Muqdisho ka gudubtay qaraxyadii iyo fowdadii lagu adeegsan jiray loollanka siyaasadeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa hadallo adag ku weeraray qaar ka mid ah mucaaradka, gaar ahaan Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isaga oo sheegay in Muqdisho ay ka gudubtay marxaladihii qaraxyada, fowdada iyo madax-jebinta siyaasadeed.

Muungaab ayaa sheegay in caasimaddu aysan mar dambe aqbalayn in siyaasadda lagu raadiyo qalalaase amni, isagoo yiri:

“Xamar way ka gudubtay qarax kun qof ay ku dhimato. Haddaad siyaasadda keliya ka raadinayso madax-jebin iyo fowdo, taasi way dhammaatay.”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa carrabka ku adkeeyay in Muqdisho ay ka nasatay qaraxyo, fooriyow iyo musiibooyin uu sheegay in horay loogu adeegsan jiray loollan siyaasadeed, wuxuuna xusay in amniga caasimaddu uu marayo heer ka duwan kii hore.

Sidoo kale, Muungaab oo dhawaan qaatay kaarka cod-bixinta, ayaa shaaciyay in dalka uu u jihaystay doorasho qof iyo cod ah, isaga oo tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay heli doonaan fursad ay codkooda si toos ah ugu doortaan hoggaankooda.

Isagoo sii wada hadalkiisa, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay mucaaradka in ay weli ku fekeraan habab hore oo ku dhisan qalalaase, wuxuuna yiri:

“Qof kasta oo leh Xamar amni ma aha, wuxuu la rabay fooriyow, madax-jebin iyo qaraxyo. Taasi waa waqti tagay.”

Hadalladan ayaa imanaya xilli uu sii xooganayo doodda la xiriirta hanaanka doorashooyinka dalka iyo amniga Muqdisho, taas oo u dhexeysa dowladda iyo mucaaradka.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.