Waa sidee saaka xaaladda Boorama?
Waxaa maalmihii soo dhaafay ka jiray
Waxaa maalmihii soo dhaafay ka jiray rabshado iyo shaqaaqooyin magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Booliiska iyo dad shacab ah oo dibadbax dhigayay ayaa isku dhacay, waxaana ka dhashay khasaare aan weli si rasmi ah loo shaacin.
Madaxweynaha jamhuuriyadda gooni isu taaggeeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa ballanqaaday in baaritaan lagu sameyn doono wixii ka dhacay Boorama.
Xaaladda magaalada ayaa deggan tan iyo shalay gelinkii dambe, kadib mudaaharaadyo rabshado watay oo maalmihii u dambeeyay ka socday halkaas. Isku dhacyadaas ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.