Soomaaliya oo Soo Dhoweysay Safiirro Cusub oo ka socda 8 Dal oo Saaxiib ah
Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa munaasabad ka dhacday Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo safiirro ka socda siddeed dal: Masar (Mohamed Salah Keshtah), Indonesia (Witjaksono Adji), Sweden (Hans Henric Lundvqist), Cuba (Inés Fors Fernandez), Canada (Joshua Brenber Tabah), Finland (Riina Riikka Heikka), Norway (Siv Cathrine Moe) iyo Spain (Jaime Alejandro Moreno Bua).
Madaxweynaha ayaa safiirrada ugu hambalyeeyay xilalka loo magacaabay, isagoo u xaqiijiyay in dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay soo dhoweynayaan, uguna garab taagan yihiin gudashada waajibaadkooda diblomaasiyadeed, gaar ahaan xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labo geesoodka ah.
Danjireyaasha cusub ayaa Madaxweynaha u gudbiyay salaan iyo farriimo ay ka sideen hoggaanka dalalkooda, waxayna muujiyeen mudnaanta ay siinayaan horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leeyihiin Soomaaliya. Sidoo kale waxay uga mahad celiyeen qaabilaadda iyo soo dhoweynta bannaanka wanaagsan ee loogu sameeyay Villa Somalia.