Jarmalka oo si buuxda u aqoonsaday baasaboorka diblomaasiga Soomaaliya
Dowladda Jarmalka
Dowladda Jarmalka ayaa hadda si buuxda u aqoonsatay baasaboorka diblomaasiga Soomaaliya, taasoo u oggolaanaysa safiirrada iyo shaqaalaha dowladda Soomaaliyeed inay galaan oo degaan Jarmalka, halkii hore looga aqoonsan jiray kaliya marka laga baxayo dalka.
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaabadan ay caddeyn u tahay horumarinta dukumentiyada safarka, adeegyada socdaalka, iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Jarmalka.
Hay’adda ayaa intaa ku dartay in tallaabadan ay muhiim u tahay fududeynta socdaalka iyo xoojinta iskaashiga labada dal.