|

Duqeymo Mareykanka ka fuliyay Gobolka Bari oo lagu bartilmaameedsaday Daacish

Warar · Ilhaan · November 19, 2025
Duqeymo Mareykanka ka fuliyay Gobolka Bari oo lagu bartilmaameedsaday Daacish
Duqeymo Mareykanka ka fuliyay Gobolka Bari oo lagu bartilmaameedsaday Daacish
In Summary

Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa xalay duqeymo culus ka fuliyay deegaanno ka tirsan Gobolka Bari ee Dowlad-Goboleedka Puntland, iyadoo wararka hordhaca ahi ay tilmaamayaan in weerarradu lagu beegsaday saldhigyo iyo difaacyo ay ku lahaayeen kooxda Daacish.

Duqeymaha oo dhacay saqdii dhexe ayaa lagu garaacay goobo istiraatiiji ah oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Daacish, kuwaas oo muddooyinkii dambe isku hor-fadhiyay Ciidamada Difaaca Puntland, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada deegaanka.

Weerarku wuxuu ahaa mid isdaba-joog ah, iyadoo si gaar ah loo bartilmaameedsaday difaacyada Daacish ee ku yaalla togga Baalade, halkaas oo Puntland ay ka waddo wajiga ugu dambeeya ee howlgalka ka dhanka ah kooxda, gaar ahaan gudaha buuraha Calmiskaad.

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaan weli ka hadlin duqeyntan, hase yeeshee tani waxay noqoneysaa duqeyntii labaad ee muddo kooban lagu beegsado xubno ka tirsan Daacish ee ku dhuumaaleysanaya buuraha gobolka Bari.

Howlgalada Puntland ay ka fulinayso Baalade iyo Calmiskaad ayaa loo arkaa kuwo ka mid ah dadaallada ugu xooggan ee lagu wiiqayo awoodda Daacish ee waqooyi-bari Soomaaliya.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.