Cabsi Xooggan Oo Ka Dhalatay Weerar Markab Ganacsi Lagu Qaaday Xeebaha Soomaaliya
                                                
                
                
Koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday markab ganacsi oo marayay xeebta Muqdisho, iyagoo rasaas ku furay markabka kadib markii ay isku dayeen inay fuulaan, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.
Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu dhacay subaxnimadii Isniinta, markabkuna uu ku sugnaa qiyaastii 534 kiiloomitir (332 mayl badeed) bari ka xigta magaalada Muqdisho, xilli afar qof oo aan la aqoonsan ay ku soo dhowaadeen doon yar, kuna fureen rasaas dhinaca markabka.
Hay’adda Howlaha Badda ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO) ayaa xaqiijisay in kabtanka markabka uu soo sheegay isku day burcad-badeednimo, balse weerarka uu fashilmay kadib markii la qaaday rasaas digniin ah iyo tallaabooyin is-difaac ah oo ay qaadeen ciidanka amniga ee markabka la socday.
Burcad-badeedda ayaa lagu arkay iyagoo dib ugu laabanaya doon weyn oo ku sugnayd qiyaastii shan mayl bari ka xigta goobta uu weerarku ka dhacay, sida ay sheegeen saraakiisha badaha.
Sida ay qortay Reuters, koox khataraha badda ka baarta oo lagu magacaabo Vanguard Maritime Risk Management ayaa xaqiijisay in markabka la weeraray uu ahaa Stolt Sagaland, oo wata calanka Cayman Islands, isla markaana ah markab siday kiimikooyin.
Vanguard iyo ilo kale oo amniga badda ah ayaa sheegay in shaqaalaha markabka ay si dhaqso leh u kordhiyeen xawaaraha, una adeegsadeen xeelado ka-hortag ah, taasoo keentay in weerarka la fashiliyo iyadoo aan waxyeello iyo dhaawac toona dhicin.
Shirkadda Stolt-Nielsen, oo leh markabka Stolt Sagaland, ayaa sidoo kale xaqiijisay isku dayga weerarka, iyagoo sheegay in dhacdadu ka dhacday November 3, balse aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shaqaalaha ama markabka.
Dhacdadan ayaa imaneysa xilli dhowaan digniin cusub laga soo saaray khatarta burcad-badeedda Soomaaliyeed, kadib markii dhowr dhacdo oo kale laga diiwaan geliyay Badda Hindiya, taasoo muujinaysa in halista burcad-badeedda mar kale ay dib ugu soo laabanayso gobolka.
Hay’adaha amniga badaha ayaa ugu baaqay dhammaan maraakiibta ku socda Badda Hindiya iyo xeebaha Soomaaliya inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, isla markaana ay la socdaan digniinaha iyo warbixinaha joogtada ah ee ay bixiyaan UKMTO iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah.