|

In ka badan 20 qof oo ku sumoobay cunto ay cuneen degmada Xarshin ee Dowlad Deegaanka Soomaalida

Warar · Ilhaan · November 3, 2025
In ka badan 20 qof oo ku sumoobay cunto ay cuneen degmada Xarshin ee Dowlad Deegaanka Soomaalida

Ugu yaraan 24 qof oo iskugu jira rag iyo dumar ayaa ku sumoobay degmada Xarshin ee gobolka Faafan ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, kadib markii ay cunaan cunto la sheegay in ay sumeysan tahay, sida uu xaqiijiyay xafiiska caafimaadka ee degmada.

Dadkan oo ahaa shaqaale ka shaqeynayay berkad halkaas laga dhisayo, ayaa la sheegay in ay cuneen bariis lagu daray caano, taas oo la tuhunsan yahay in ay sababtay sumowga.

Cabdiraxmaan Jamaal Cabdi, madaxa xafiiska caafimaadka ee degmada Xarshin, ayaa u sheegay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC in dadkaasi ay si wadajir ah u cuneen cuntadaas ka hor intii aanay ka caban xanuunno la xiriira sumowga.

“Wixii ugu dambeeyay ee ay cunaan waxay ahayd bariis caano lagu daray, balse weli lama hubin in cuntooyinkaasi yihiin sababta rasmiga ah ee sumowga,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Jamaal.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dadka la xanuunsaday ay ahaayeen 20 nin iyo afar dumar ah, kuwaas oo qaarkood xaaladdooda caafimaad lagu dabiibayo xarunta caafimaadka ee degmada Xarshin.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay in baaritaan lagu wado sababta dhabta ah ee keentay sumowga, inkastoo ay sheegeen in bariisku aanu ahayn mid dhacay, balse caanaha lagu daray laga yaabo in ay ahaayeen kuwa aan ku habboonayn cunista.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.