|

Dagaal Culus oo Ka Socda Howdka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Warar · Ilhaan · May 20, 2025
Dagaal Culus oo Ka Socda Howdka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee ka howlgala gobolka Hiiraan ayaa maanta weerar ballaaran ku qaaday fariisimo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen dhulka howdka ah ee ku yaalla xuduudda u dhaxaysa gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Weerarkan oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Ceel-Hareeri ayaa lagu beegsaday saldhigyo istaraatiiji ah oo ay Al-Shabaab ku leeyihiin goob godad ah oo la rumeysan yahay in ay ku sugnaayeen xubno sare oo ka tirsan kooxda. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaalku yahay mid aad u culus, islamarkaana weli socda.

Inkasta oo aan la helin tirakoob rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka, haddana ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in labada dhinac ay soo gaareen khasaare kala duwan.

Weerarkan ayaa imanaya kadib howlgallo isdaba joog ah oo maalmihii lasoo dhaafay ay ciidamada ka wadeen xadka ay wadaagaan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Howlgalladaasi hore ayaa sababay in la dilo tiro badan oo ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo sidoo kalena ay ku dhinteen saraakiil ciidan.

Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), xildhibaano kasoo jeeda gobolka Hiiraan, iyo madax kale ayaa ku sugan furimaha hore si ay u kormeeraan una dardargeliyaan gulufka dagaal ee socda.

Weerarka maanta dhacay ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu doonayo in Al-Shabaab looga saaro deegaannada ay wali gacanta ku hayaan. Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay galay dagaallo adag oo ay ku guuleysteen in ay dib uga qabsadaan goobo muhiim ah oo kooxdaasi horey u maamulaysay.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.