|

Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo shaaciyay duqeyn lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Warar · Ilhaan · March 1, 2026
Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo shaaciyay duqeyn lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab
Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo shaaciyay duqeyn lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab
In Summary

Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo shaaciyay duqeyn lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Taliska NISA ayaa sheegay in howlgal duqeyn ah oo qorsheysan lagu dilay tiradii ugu badneyd ee xubno ka tirsan Al-Shabaab, kaddib howlgallo ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Hoose.

War rasmi ah oo ka soo baxay hay’adda ayaa lagu caddeeyay in ciidamadeeda, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ay fuliyeen howlgallo bartilmaameed ahaa oo jab culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaad abaabul dagaal ka waday labada gobol.

Howlgallada ayaa la sheegay in lagu dilay in ka badan 40 dagaalyahan, laguna burburiyay fariisimo iyo goobo ay gabaad ka dhiganayeen.

Howlgalka koowaad ayaa ka dhacay deegaannada Waab-weyn iyo Isgoyska Madaxyo-weyn ee hoostaga degmada Maxaas, halkaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad la diyaarinayay si ay falal argagixiso uga fuliyaan deegaannada ku dhow. NISA waxay sheegtay in halkaasi lagu dilay 17 xubnood, laguna burburiyay goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen.

Sidoo kale, howlgal kale oo ka dhacay howdka Buulo-naagey ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa lagu dilay 23 xubnood oo la sheegay in halkaasi lagu soo uruuriyay si ay u carqaladeeyaan saldhigyada ciidanka iyo isu-socodka amniga gobolka. Howlgalkan ayaa lagu wiiqay isku day ay maleeshiyaadku doonayeen in deegaankaasi uga dhigtaan marin ay ku dhibaateeyaan amniga.

NISA waxay sheegtay inay sii xoojin doonto dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Si kastaba ha ahaatee, hay’addu ma soo bandhigin sawirrada ama magacyada xubnaha lagu dilay howlgalladan.

Howlgalladan ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada ammaanku kordhiyeen cadaadiska militari ee ka dhanka ah maleeshiyaadka, si loo adkeeyo amniga gobollada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.