|

Sacuudiga oo si cad u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsiga Somaliland

Warar · Ilhaan · December 27, 2025
Sacuudiga oo si cad u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsiga Somaliland
Sacuudiga oo si cad u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsiga Somaliland
In Summary

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudiga

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa si buuxda u muujisay taageeradeeda ku aaddan madax-bannaanida, midnimada iyo nabadgelyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo si adag u cambaareysay tallaabada ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku tilmaantay go’aanka Israa’iil mid sharci-darro ah, isla markaana ka hor imaanaya qawaaniinta iyo mabaadi’da sharciga caalamiga ah, iyada oo xustay in tallaabadaasi ay halis ku tahay xasilloonida gobolka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa sidoo kale caddeysay in ay si buuxda uga soo horjeeddo isku day kasta oo lagu doonayo in lagu dhiso dowlad kale oo ka dhex dhalata Soomaaliya, taas oo ay sheegtay inay si toos ah u khilaafsan tahay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Sacuudiga ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada uu u hayo hay’adaha sharciga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo adkeeyay garab istaagga uu u muujinayo dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida, nabadda iyo horumarka dalka.

War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa muujinaya go’aanka adag ee Boqortooyadu ka taagan tahay ilaalinta midnimada Soomaaliya, iyo diidmada tallaabo kasta oo dhaawici karta xasilloonida gobolka iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.