Boliska dalka Nigeria ayaa sheegay inay ugu yaraan 118 Maxbuus ka baxsadeen Xabsiga Suleja oo u dhow Caasimada dalkaasi ee Abuja.
Maxaabiista ayaa baxsatay, xilli uu daad burbur u geystay qeybo ka mid ah Dhismaha Xabsigaasi oo la dhisay Xilligii Gumeysiga.
Afhayeen Xabsiga Suleja Prison, Adam Duza ayaa soo saaray qoraal uu kaga hadlay baxsashada maxaabiistaasi, isagoo xusay in dib loo soo qabtay 10 ka mid Maxaabiistii baxsadka ahayd.
Afhayeenka ma uusan xaqiijinin in maxaabiista baxsatay ku jiraan kuwo ka tirsan Kooxda Hubeysan ee Boko Haram. Si kastaba, ma aha markii ugu horeysay ee ay Maxaabiis ka baxsadaan Xabsiyada dalka Nigeria.
Bishii July ee sanadkii 2022-kii, Koox Hubeysan oo ka tirsan Ururka Daacish (Islamic State) waxay weerar habeenimo ku qaadeen Xabsiga Ammaankiisa aadka loo adkeeyey ee ku yaalla Caasimada dalkaasi Abuja, iyagoo ka sii daayey Ku-dhawaad 440 Maxbuus.