Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ayaa soo saartay Warbixin Bilaha ku aadan Qaxootiga Soomaalida ee iskooda u go’aansaday inay ku soo laabtaan dalkooda Hooyo.
UNHCR waxay sheegtay inay jiraan Kumanaan Qaxooti ah oo diyaar ku ah Xeradda Dhadhaab, kuwaasi oo sugaya inay helaan Tas-hiilaadka u fududeyn kara inay dib ugu soo laabtaan Somalia.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in bishii la soo dhaafay ee September 16-dii ilaa 30-dii in 2,500 oo  Qaxooti iskooda uga soo tageen Xeradda Dhadhaab, kuwaasi oo Duullimaadyo Diyaaradeed iyo Gaadiid lagu soo daad-gureeyey.
UNHCR waxay soo bandhigtay tan iyo markii ay bilaabeen inay taageeraan Qaxootiga iskooda ugu soo laabanayo Somalia inay Mashruucaasi ka faa’ideysteen bishii December 8-dii ee sannadkii 2014-kii inay 32,949  Qaxooti Somali ku soo laabteen gudaha Somalia.
Dhinaca kale, Hadalka ka soo baxay Hay’adda UNHCR ayaa ku soo beegmay kadib, markii ay Hay’adda Dhakhaatiirta Aan Xuduudka Lahayn ee MSF sheegtay inaysan inta badan Qaxootiga Soomaalida diidan yihiin in dib loogu celiyo Somalia, sababo la xiriira cabsi dhinaca Ammaanka, iyadoo Sahan Ururin laga qaaday Qaxootiga ku sheegeen inay weli jirto cabsidii ay kaga soo carareen dalkooda hooyo.
MSF waxay Dowladda Kenya ugu baaqday inay dib uga fekeraan Go’aankooda ay Xeradda Dhadhaab ku xiri doonaan bisha soo socota ee November 30-da.
In ka badan 330,000 oo Qaxooti u badan Somali ayaa ku nool Xeradda Dhadhaab oo ah Xeradda ugu ballaaran Xeryaha Qaxootiga ee ka jira dalalka Caalamka.
©Radio Dalsan
Â
Â
Â