Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency ayaa shaacisay inay Boliska maanta qaadeen Hawlgal ballaaran oo lagu soo qabtay 118 qof oo lala xiriirinayo Maleeshiyadda PKK.
Hawlgalkaasi oo ka dhacay dhamaan Gobaladda dalkaasi ayaa lagu beegsaday Saraakiisha Xissbiga Kurdish Democratic Party (HDP), kuwaasi oo lagu eedeynayo inay gacan-saar la leeyihiin Maleeshiyadda PKK ee qaraxyadda ka geysta dalkaasi.
Waaberigii hore ee saakayto, Ku-dhawaad 500 Askari oo ay taageeayaan Gawaarida Gaashaaman iyo Helikoptar ayaa Hawlgal ka fuliyeymagaalladda Adana ee Koonfurta dalkaasi , iyadoo lagu soo xiray 25 Sarkaal oo ka tirsan Xisbiga HDP.
Hawlgalo kale oo ka  dhacay Istanbuul waxaa lagu xiray 20 Sarkaal oo ka tirsan Xisbigaasi, iyadoo 18 kalena lagu qabtay caasimadda dalkaasi ee Ankara.
©Radio Dalsan