Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in ugu yaraan 70 qof oo Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymo iyo madaafiicda taangiyda oo ay ciidamada IsraΓ’β¬β’il ku garaaceen qeybo ka mid ah bartamaha Marinka Gaza.
Tani waxay ka danbeysay kaddib marki ay taangiyada IsraΓ’β¬β’il ay dib ugu laabteen degmada Khan Younis iyo hareeraheeda, iyadoo ay ciidanka IsraΓ’β¬β’il mar kale ku mareen dadka deegaanka in ay si deg deg ah uga baxaan.
Meelaha ugu badan ee ay dadka ku dhinteen ayaa waxaa ka mid ah degmada Bani Suhaila iyo deegaannada kale ee bariga Khan Younis, halkaas oo qoysas badan oo barakacayay ay haleeleen madaafiicda taangiyda.
Saraakiisha caafimaadka waxay sheegeen in dadka la dilay ay ku jireen dumar iyo carruur, halka dhaawacana uu gaaray ilaa 200 oo qof Isniintii.