Hadal-qoraal oo ka soo baxay Urur-gobaleeka IGAD ayaa lagu shaaciyey in loo baahan yahay inay Doorashadda Somalia ku dhacdo Xilligii loo qorsheeyey ee ahaa muddo 60 cisho gudaheeda.
Hoggaamiyayaasha Siyaasadda Somalia waxay Kulankoodii la soo gebagebeeyey bishii la soo dhaafay ee May 27-dii  waxay isku raaceen Xilliga inay Doorashooyinka ku dhacaan xilliga loo cayimay oo ahaa 60 maalmood gudahooda.
Bayaanka IGAD oo laga soo saaray Shirkii 72-aad ee Golaha Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka xubnaha ka ah  Urur-gobaleedkaasi ayaa lag shaaciyey inay lama huraan tahay inay Doorashadda Madaxtinimada Somalia noqoto mid Nidaamsan, Nabadeed, Hufan, Daah-furan, laguna kalsoonaan karo.
Bayaanka waxaa kaloo lagu bogaadiyey Madaxweyne Farmaao, RW Rooble, Shanta Madaxweyne Dowlad-gobaleed iyo Murashixiinta oo Is-afgarad ka gaaray Nidaamka Doorashooyinka soo socda.
 Dhinaca kale, Bayaanka IGAD waxa kale oo Baaq ka soo saaray Doorashadda soo socota ee Madaxtinimada dalka Kenya ka dhici doonta bisha August 9-da ee sanadka soo socda ee 2022-ka.