Weli waxa taatgan xiisada Siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinkii laga gudbiyey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,iyada oo iskudayo badan oo lagu xalin lahaa ay fashilmeen.
Urur Goboleedka IGAD ayaa laga dalbaday in ay kulan deg deg ah ka yeeshaan xiisayada Siyaasadeed ee ka taagan dalka taas oo curyaamisay howlihii Shaqo ee Golaha Xukuumadda iyo Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.
Aadan Barre Ducaale oo ah Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya ayaa sheegay in loo baahan yahay in Wadamada ku midoobay Urur Goboleedka IGAD in ay kulan deg deg ah ka yeeshan xiisadaas,si loo dhowro guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay amniga iyo xasiloonida.
Waxa kaloo uu sheegay in aysan aheyn in imaaradka Carabta uu hoos u dhigayo awooda Madax banaanida dadka Soomaaliyeed iyo tan Baarlamaanka xili bilihii la soo dhaafay la hadal hayey in Imaaraadka Carabta ay faragelin ku heyso Soomaaliya.
Mooshinka laga gudbiyey gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaan weli wax xal ah laga gaarin,waxana ku kala qeyb samay Xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya,waxaana hakad ku jira howlhii dowladda.