Ugu yaraan 2,297 Saxafi iyo shaqaale Warbaahineed ayaa la dilay 25-kii sanno ee ugu dambeeyey, sidaas waxaa lagu sheegay Warbixin cusub oo ay soo saartay Xiriirka Suxufiyiinta Caalamiga “ The International Federation of Journalists (IFJ)”.
Warbixinta oo aan weli la daabicin ayaa lagu xusay in Suxufiyiintaas  loo dilay oo keliya inay ka hadleen Dagaallada Caalamka, Kacaanka, Dembiyadda iyo Musuqa, iyadoo Dilayaasha weli sii wadaan inay ugaarsadaan Suxufiyiinta iyadoo aysan jirin Cid la xisaabtamayso ama soo Maxkamadaynayso.
Wakaalladda Wararka ee AP oo loo dusiyey Nuqul ka mid ah Warbixintaasi oo ka kooban 79 Bog ayaa waxa uu Xoghayaha Guud ee Xiriirka Suxufiyiinta Calaamiga, Anthony Bellanger sheegay inay Suxufiyiinta xaallad aad u khatar badan la kulmeen 10-kii sanno ee la soo dhaafay.
Waxa uu intaasi ku daray in sannadkii 2006-dii ahaa Sannadkii ugu xumaa Suxufiyiinta, iyadoo 115 Saxafi lagu dilay Caalamka.
IFJ waxay ku qiyaastay in la baaro oo keliya mid ka mid ah Toban Kiis ee lagu dilo Suxufiyiinta, waxayna ku baaqeen in la joojiyo La-xisaabtan la’aanta Dembiilayaasha sida joogtada u dila Suxufiyiinta.
Dhinaca kale, 25-kii sanno ee la soo dhaafay, waxaa Liiska dalalka ugu khatarta badan ee lagu dilo Suxufiyiinta Kaalinta Koowaad ka gashay dalka Iraq oo tan iyo markii ay Maraykanka duullaanka ku qabsadeen dalkaasi sannadkii 2003-dii lagu dilay 309-Suxufi.
Waxaa kaalinta Labaad ku jirta dalka Filibiin oo lagu dilay 146 Suxufi, iyadoo Kaalinta Saddexaad ku jirto dalka Meksiko, iyadoo Kooxaha ka ganacsada Daroogooyinka dileen 120-Saxafi.
Xigasho: IFJ
Waxaa Turjumay: Axmed Xaaji Ugaaska
©Radio DalsanÂ