Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare badan dhaliyay oo ka dhacay Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, waxaana la helayaa warar dheeraad ah oo kasoo baxaya dagaalkaasi.
Dagaalka ayaa shalay ka qarxay deegaanka Shiilamadow ee Waqooyiga gobolka Galgaduud kadib markii shalay dadka deegaanku gacanta ku dhigeen gaadiid xamuul ah oo hub iyo saanad ka keenay sida wararku sheegayaan dhanka xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya.
Waxaana ku baxay arrintaasi Ciidanka Dowladda gaar ahaan NISA, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal khasaaare badan dhaliyay oo labada dhinac ah, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka helnay.
Wararkii ugu dambeeyay waxaa ay sheegayaan in wali xiisaddu taagan tahay, waxaana lagu soo warramayaa in Ciidamo katirsan kuwa maamulka Galmudug oo isugu jira nabad sugid iyo Daraawiish ay xalay fariisimo ka samaystay goobo aan ka fogeyn degaanadii lagu dagaalamay shalay.
Waxaa macquul ah in Xilli waliba uu qarxo dagaal u dhexeeya dhinacyada xiisaddu u dhxeeyso, kuwaasi oo wali si rasmi ah aan loo kala dhex-galin, waxaama dagaalkii shalay ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.
Dhimashada ayaa la sheegayaa inay tahay ku dhawaad 10 qof oo labada dhinac ah, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.
Masuuliyiinta amniga wali wax war ah kama soo saarin dagaalkaasi khasaaraha badan dhaliyay, sidoo kale ilaa iyo hadda si cad looma oga dadka hubkaasi loo waday iyo halka lagu waday, marka laga soot ago in la arkay hubkaasi oo Itoobiya ka yimid iyo Ciidanka Dowadda oo difaacaya.
Ugaas u hadlay malleyshiyaadka hubka dhacay ee ku sugan Caabud-waaq ayaa sheegay in masuuliyadda dagaalkaasi iyo khasaaraha ka dhashay ay qaadayso dowladda federaalka, waxaana sawiro iyo muuqaallo lagu baahiyay baraha bushada ay muujinayaan hub aad u farabadan oo laga dejiyay Caabudwaaq.