Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ka hadlay weerar Al-Shabaab ay saakay ku qaatay saldhig ay ku leeyihiin Gobolka Shabeelada Hoose. Saldhigaas oo ku yaal degmada Buulomareer ayaa waxa uu fadhi u yahay ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka.
ATMIS ayaa waxa ay xaqiijisay weerarka Shabaabka la beegsadeen saldhigooda Buulo-mareer, iyaga oo intaas ku daray inay hadda ku jiraan qiimeynta xaalada amni. Waxay sheegeen inay dhawaan faahfaahin doonaan xog dheeraad ah oo la xiriirta weerarka.
Weerarka oo ahaa mid xooggan ayaa waxa uu ku bilowday qaraxyo, kadibna waxaa dhacay dagaal xooggan oo u dhexeeyay ciidanka ATMIS gaar ahaan kuwa Uganda oo ku sugnaa saldhiga iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Buulo-mareer ayaa u sheegay Idaacadda VOA inay Al-Shabaab galeen saldhigga ciidamada Uganda ee magaalada oo ay markii hore kusoo weerareen qaraxyo laba ah , iyada oo sidoo kale Al-Shabaab lagu arkay magaalada dhexeeda.
Al-Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen saldhiga ay leeyihiin ciidanka ATMIS gaar ahaan kuwa Uganda, ayna cagta mariyeen, waa sida ay hadalka u dhigeen, dhanka kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidanka ATMIS iyo kuwa xoogga dalka.