Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan howlgallo saacadihii lasoo dhaafay laga fuliyay gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan nawaaxiga degmada Mahadaay.
Wararka aan helayno ayaa sheegaya in ciidamada difaaca deegaanka ee degmada Mahadaay ay xalay saqdii dhexe howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Cabdulle-Barbaar, oo ku dhow nawaaxiga Ciid Ciidka.
Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamadan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in howlgalkan lagu dilay afar dagaalame oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, halka sidoo kale ay gacanta ku dhigeen hub iyo qalab kale oo ay ku jiraan qoryo iyo mooto nooca Fekon ah.
Hoggaamiyeyaasha Macawisleyda oo ka mid ah ciidamada deegaanka ayaa sheegay in howlgalkan uu qayb ka yahay dadaallada ay iska kaashanayaan ciidamada deegaanka iyo kuwa Xoogga Dalka si loo sugo nabadgelyada deegaannada hoos yimaada Mahadaay.
Howlgalladan ayaa daba socda duullaan ballaaran oo muddooyinkii dambe ka socday gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo bartilmaameed lagu hayo xubnaha Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya dhulka miyiga ah.
Maamulka deegaanka iyo saraakiisha ammaanka ayaa ku hanjabay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo ciribtiro khatarta ay ku hayaan shacabka iyo amniga gobolka.