Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay howlgal qorsheysan ku dishay laba xubnood oo sar sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, iyo dagaalyahano kale oo badan. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), howlgalkaas ayaa ka dhacay deegaanka Jambaluul ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu bartilmaameedsaday xubno muhiim u ahaa kooxda.
Warbixinta NISA ayaa si gaar ah u xustay in labada xubnood ee lagu dilay weerarkan ay ahaayeen masuuliyiin sare oo kooxda u qaabilsanaa hawlgallada qaraxyada iyo maaliyadda.
Farxaan Cusmaan (Farxaan Karuur) – Ninkan ayaa la sheegay in uu ahaa mas’uulka Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada gobollada Banaadir iyo Shabeellaha Hoose. Farxaan Karuur wuxuu si dhow ugu lug lahaa qorsheynta iyo fulinta weerarro badan oo ka dhacay Muqdisho iyo nawaaxigeeda, kuwaas oo sababay khasaare baaxad leh oo soo gaaray dad rayid ah iyo hay’adaha amniga.
Axmed Gumaar – Warbixinta NISA waxay sheegtay in ninkani uu ahaa mas’uulka Al-Shabaab u qaabilsanaa maaliyadda, gaar ahaan dhaqaalaha laga ururiyo deegaanada ay kooxda gacanta ku hayso.
Sida ay NISA sheegtay, howlgalka lagu dilay xubnahan ayaa ahaa mid si taxaddar leh loo qorsheeyay, iyadoo la helay xog sirdoon oo sax ah oo ku saabsan goobta ay ku sugnaayeen. Ciidamada amniga oo taageero ka helaya saaxiibada caalamiga ah ee la shaqeeya Soomaaliya, ayaa fuliyay weerar duqeyn ah oo bartilmaameedkiisu ahaa xarun ay ku sugnaayeen xubnahaas iyo dagaalamayaal kale oo Al-Shabaab ah.
Weerarkan, oo ka dhacay deegaanka Jambaluul ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa lagu dilay xubnahaasi iyo dagaalamayaal kale oo badan, sida lagu xusay bayaan rasmi ah oo kasoo baxay NISA.
Qoraalka kasoo baxay hay’adda sirdoonka ayaa sidoo kale lagu xusay in la xaqiijiyay dhimashada xubnaha Al-Shabaab ee lagu dilay howlgalka, iyada oo la helay caddeymo muujinaya in bartilmaameedyadu ay yihiin kuwii la doonayay in la beegsado.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u ballanqaaday inay sii xoojin doonto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyada oo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah.