Magaalada Diri-dhaba waxaa shalay ka dhacay rabshado ay ku dhinteen dad Soomaaliyeed – waxaana dadkaasi kamid ah qoys reer Jabuuti ah oo ka kooban hooyo iyo afar caruurteeda ah.
Maxamed Axmed Buuni, oo ka tirsan ehelka hooyada iyo carruurta la dilay ayaa sheegay in Xaas uu qabay Walaalkiis  iyo Afar Carruur ah ay dhashay hal goob lagu wada dilay, ka dib markii ay saameysay rabshadihii ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Waxa uu sheegay in Walaalkiisa Maxamed Maxamuud Buuni ee xaaskiisa la dilay uu ka mid yahay Ciidamada Jabuuti balse Xaaskiisa iyo Carruurtiisa ay ku noolaayeen Magalada Diridhiba.
Qoysas kale oo qaarkood uusan aqoon ayuu sheegay in rabshadahaas in ay wax ku noqdeen,isla markaana xaaladu ay tahay mid degan.
Rabshadaha ka socda Magaalooyinka Waaweyn ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa ay sababeen khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo inta badan gaaray dadka Soomaalida ah.