Booliska Magaalada Qardho ayaa gacanta kusoo dhigay Haweneey lagu eedeeyay in ay dishay laba caruur ah oo ay dhashay sida Booliska Magaalada ay xaqiijiyeen.
Wararka ina soo gaaraya ayaa sheegaya in Xalay isbitaalka Magaaladaasi  la geeyay meydka labada caruur, kuwaas oo sida la sheegay dadka dariska oo ka war helay dhacdadaas, kadibna waxaa ay geeyeen Cisbitaalka Guud ee Qardho.
Haweenayda lasoo qabtay ayaa magaceeda lagu sheegay Ubax Cabdi Icismaan,waxaana Boolisku sheegeen inay dishay labo caruur ah oo ay dhashay, kuwaasi Magacyadooda lagu kala sheegay Majiid Maxamed Cabdi  oo 1 sano iyo 8 bilood jiray iyo Maysoon maxmed Cabdi oo jirtay Hal bil iyo 5 cisho.
“Ciidamada Booliska Degmada Qardho ayaa gacanta kusoo dhigay Ubax Cabdi Cismaan oo dishay laba ciyaal ah oo dhashay.Majiid Maxamed Cabdi oo jira 1sano iyo 8 bilood iyo Maysoon maxmed Cabdi oo jirtay. Hal bil iyo 5 cisho ayay dishay Hoyadood†ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Booliska Qardho.